Awdheegle (Halqaran.com) – Wararka innaga soo gaaraya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in ciidamo ka tirsan kuwa DF Soomaaliya ay weerar ku qaadeen deegaanka Sham-gare oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha horkaceysay weerarkan ay Ciidamada Dowladda ku qaadeen degaanka sham-gare ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen inay weerarkasi ku dileen 16 Xubnood oo laba kamid ah ay kamid yihiin Saraakiisha Al-Shabaab.
Waxay kaloo saraakiishan sheegeen, inay weli howlgalka kasii wadaan degaannada hoostaga degmada Awdheegle si ay uga hortagaan weerarada ay Al-Shabaab mararka qaar ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada Dowladda ee Awdheegle.
Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa mararka qaar waxaa ay howlgallo ka fuliyaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, hayeeshee ay mararka qaar weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.
Ma jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ururka Al-Shabaab oo ku aadan xubnahaasi looga dilay deegaannada hoos yimaada degmada Awdheegle.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





