Beledweyne (Halqaran.com) – Wiil dhalinyaro ahaa ayaa xalay waxaa si arxan daro loogu dilay Magaalada Beledweyne, waxaana uu dilkiisa ka dhacay Xaafadda Buundowayn ee Magaaladaasi.
Dilka wiilkaan dhalinyarada ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday toorey lagala dhacay qaybaha Sare ee jirkiisa, sida Maamulka Isbitaalka Magaalada Beledweyne ay sheegeen.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Caydaruus Cawaale Siyaad, waxaana maydkiisa la geeyay Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne.
Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Gobolka Hiiraan, Dr Suleyman Cabdi Cali ayaa xaqiijiyey dhimashada Wiilka dhalinyarada ah, Waxaana uu sheegay in marxuunka lagu dilay Tooreey lagala dhacay qaybta Sare ee jirka taasi oo sababtay in ugu danbeyn ugu geeriyoodo.
Ciidamada Booliska Beledweyne ayaa gaaray goobta uu Dilka Xalay ka dhacay, waxaana halkaasi ay bilaabeen baaritaan la xariiro sida uu dilka u dhacay, iyagoona sheegay in ay jiraan falka dad lagu tuhunsan yahay oo ay Ciidamada ammaanka ku raad joogaan.
Lama oga ilaa iyo hadda dadka ka dambeeyay dilka wiilkaasi dhalinyarada ahaa iyo sababta loo dilay, waxaana socota Baaritaan ay wadaan Ciidamada Booliska Beledweyne.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





