Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Madaxweyne Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Muqdisho +( SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka, Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iy wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Laftagareen ayaa ka soo duulay magaalada Baydhabo, waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International ee Muqdisho.

Waxaana ka qeybqaatay soo dhaweyntiisa, Wasiirro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shir jaraa’id ku qabtay hoolka nasashada ee Garoonka Aadan Cadde ayaa u mahadceliyay Wasiirardii, Xildhibaannadii iyo dhammaanba dadkii kale ee maanta ku soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Muqidsho.

Mar uu ka hadlayay ujeedada ay u yimaadeen magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay inay la xiriirto arrimo shaqo oo isugu jira wadatashi iyo fatahadaha ka dhashay Webiga Shabelle, ee sida weyn u saameeyay qaybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa xusay inay qorsheynayaan in booqasho ku taggaan dhulka Gobolka Shabellaha Hoose, ee sida weyn uu u saameeyay Webiga Shabelle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...