Tuesday, June 2, 2026
26.4 C
Mogadishu

DHAGEYSO: 6 kun oo qof oo ku barakacay fatahaadda Degmada Afgooye & Wararkii ugu dambe…

Afgooye (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in fatahaadaha ku dhuftay magaalada ay ku barakaceen ilaa iyo 6 kun oo ruux, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in fatahaadaha ay ku sii fidayaan xaafado iyo deegaanno cusub oo ka mid ah gobolka Shabeellaha hoose.

Madaxweynaha JF Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay ku baaqay in wadajir loogu istaago sidii loo samatabixin lahaa dadka ku dhibaataysan degmada Afgooye iyo guud ahaan gobolka Shabeellada Hoose.

Ugu dambeyn, R/Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta faray Wasaaradda maaliyadda in si deg-deg ah loo bixiyo $500,000 (Shan Boqol oo Kun oo Doollar) oo xukuumaddu ay u qorsheysay gurmad deg-deg ah oo loo sameeyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha dhibaatada badan ka geystay degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Haddaba halka hoose ka dhageyso wareysi ay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da la yeelatay guddoomiyaha degmada Afgooye Ibraahum Cumar Qaasim.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...