Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynayaaasha Dowlad Goboleedyada, Puntland, koonfur Galbeed, Jubbaland, Hir-Shabeelle iyo Galmudug ayaa ka warbixiyay kulankii ay Magaalada Dhuusamareeb kula qaateen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.
War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Siciid Cabdullaahi Deni uu ka qeybgalay kulankii kowaad ee rasmi ah ee Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, iyaga oo ka wada tashanayay arrimaha masiiriga ah ee dalka sida Doorashadda 2020/2021.
Sidoo kale, war kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb uu Madaxweynaha kaga qaybgalay kulan horudhac ah oo ay yeesheen Masuuliyiinta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
Kulankan ayaa gogol xaar u ah shirka Wadatashiga Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagaga tashanayo wakhtiga kala guurka ah kaas oo dhawaan ka furmaya Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada Galmudug.
Ugu dambeyn, si lamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa waxaa ay shaaciyeen inay ka qeyb galeen kulanka horudhaca u ahaa shirka u qabsoomaya Madaxda DF Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





