Wednesday, June 17, 2026
25.5 C
Mogadishu

Hobiyeyaal lagu weeraray Deg. Janaale iyo Khasaare ka dhashay

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya, in hoobiyeyaal khasaare geystay lagu weeraray deegaankaasi, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka.

Hoobiyeyaashan ayaa waxaa laga soo tuuray duleedka Deegaanka Janaale, waxaana ku dhaawacmay illaa saddex ruux oo shacab ah, kadib markii guryahooda ay kula dhaceen.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in illaa Saddex ruux oo Shacab ah ay ku dhaawacmeen hoobiyeyaasha, isla markaana Maamulka deegaanka iyo Ciidamada xooga ay u gurmadeen laguna daweynayo Isbitaalka deegaanka.

“Saddex qof oo shacab ah ku dhaawacmay hoobiyaal ay Maleeshiyadda Shabaab ku soo tureen Gudaha Deegaanka Janaaale, Gudoomiyaha Janaale iyo Ciidanka Xooga dalka ayaa u gurmaday shacabka kana soo saaray guryihii ay waxyeelada ku soo gaartay si loogu dabiibo isbitaalka Deegaanka‘‘ ayuu yir Guddoomiye najax.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax faah-faahin intaasi ka dheer ee uu bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, hayeeshee mararka qaar ayaa madaafiic ay isweeydaarsadaan Ciidamada Amisom iyo Al-Shabaab waxaa ay waxyeelo kasoo gaartaa dadka Shacabka ah ee ku nool degaanka Janaale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...