Kismaayo (Halqaran.com) – Ciidamada Nabad Suggida iyo Sirdoonka maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay laba nin oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab, xilli ay ku guda jireen falal liddi ku ah amniga.
Raggan oo magacyadooda lagu kala sheegay Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abuukar Cabdi Yaxye ayaa waxaa lagu soo qabtay hawlgal, ay Ciidamada Nabad Suggida iyo Sirdoonka Jubbaland ka sameeyeen labada daamood ee deegaanka Yoontooy. Yoontooy waxay 18km u jirtaa Magaalada Kismaayo.
Warbaahinta Jubbaland ayaa sheegtay, in raggaasi ay mintidiinta Al-Shabaab u qaabilsanaayeen gudbinta miinooyinka, aasidooda iyo weliba qarxintooda.
“Ciidanka Nabad Sugida hawlgalo qorsheysan oo ay ka sameyeen aagga jiinka webiga tuulada Yoontooy labadeeda gedi waxaa ay gacanta ku soo dhigeen dhagarqabayaasha kala ah Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abuukar Cabdi Yaxye oo Al-Shabaab u qaabilsanaa soo gudbinta miinooyinka dhigista iyo qarxintoodaba, waxaana ay qirayaan raggani in ayagoo hawsha gacanta kula jira ay Ciidanka Nabad Sugida soo qabteen.” Ayaa lagu yiri war lagu faafiyay Jubbalandtv.
Tallaabada lagu soo bandhigay xubnahan waxaa ay ka dambeysay, xilli muddooyinkii ugu dambeysay ay qaraxyo xiriir ahaa ka dhacayeen deegaanka Yoontooy.
Ururka Al-Shabaab ayaa dagaal adag kula jira Maamul Goboleedyada Dalka ka dhisan, Dowladda Federaalka iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan gudaha dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





