Tuesday, May 12, 2026
30.9 C
Mogadishu

Update:Dagaal beeleed Khasaare geystay oo ka dhacay Mudug

Mudug (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa tibaaxaya, in galabta uu halkaasi dhacay iska horimaad hubeysan oo dhexmaray maleeshiyo beeleedyo ka soo wada jeeda Puntland.

Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Barwaaqo oo ku dhaw deeganka Beyra ee gobolka Mudug.

Wararka ay helayso warbaahinta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Iska horimaadkan ayaa waxaa ku dhintay Hal qof, halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ahaa maleeshiyaadkii dagaallamay, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in dagaalkan cusub uu sababay, dil maanta nabaddoon caan ah loogu geystay magaalada Bursaalax ee gobolka Mudug, iyadoona maleeshiyaad ka carooday dilkaasi ay weerar khasaare geystay ay ku qaadeen deegaanka Barwaaqo.

Dagaalkan ayaa noqonaya kii labaad oo bilo gudaheed uu ka dhaco deegaanka Barwaaqo ee ku dhow deegaanka Beyra ee gobolka Mudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...