Tuesday, April 21, 2026
28.4 C
Mogadishu

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir oo maanta ku geeriyooday Turkiga

Ankara (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax ayaa Axadda maanta ah ku geeriyooday dalka Turkiga, sida uu warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Marxuum Xasan Abshir Faarax ayaa muddooyinkii dambe xannuunsanaa, waxaana lagu daweynaayay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga oo uu maanta ku geeriyooday.

Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga, Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed ayaa xaqiijiyay geerida ku timid Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN Xasan Abshir Faarax.

Safiirka ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeysay uu marxuumka ku xanuunsanaa dalkaasi Turkiga, haba ugu darnaatee labadii toddobaad ee la soo dhaafay, isagoo intaasi raaciyay in dhakhaatiirta caafimaadka ay ku soo wargeliyeen in wadnaha uu istaagay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Allaha u naxariisto, Xasan Abshir Faarax ayaa Ra’iisul Wasaare ka soo noqday Dowladii Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan.

Sidoo kale, marxuum Xasan Abshir ayaa waqti dheer ahaa Duqa magaalada Muqdisho xilligii Kacaanka, wuxuu kaloo soo noqday xubin Baarlamaan.

Madaxda Dowladda Federaalka ah Soomaaliya ayaa ka tacsiyaysay geerida Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...