Saturday, May 30, 2026
26.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha Hirshabelle oo daah-furay Mashruuca Biyo Xireenka Baladweyne

Baladweyne (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Dr. Maxamed Cabdi Cabdi waare ayaa maanta magaalada Baladweyne ka daah furay Mashruuca Biyo-xereenka Baladweyne, si wax looga qabto fatahadda magaalada kusoo noq-noqata.

Wasiirro kamid ah dowlad goboleedka Hirshabelle guddoomiyaha gobolka Hiiraan guddiga gurmadka fatahaadda Baladweyne iyo qeybaha bulshada ayaa munaasabadda daah-furka kasoo qeyb galay.

Intii uu kulanka socday waxaa qaabka fogaan araga uga qeyb galay madaxda ugu sareeysa Hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobey ee FAO iyo Hay’ado kale oo soo bandhigay qorshadooda wax qabad ee ku aadan fatahaadda iyo sida aay diyaar ugu yihiin in dowlad goboleedka Hirshabelle ay ka caawiyaan wax ka qabashada arrimaha fatahadda.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Cabdi Waare ayaa sheegay in mushruucan uu ka koobanyahay seddax qeyb ayna koow ka tahay in wax laga qabto 60- goobood oo wabiga uu ka sameeyo fatahaadda oo guud ahaan ku yaalla deegaanada Hishabelle iyo in la adkeeyo 8 goob oo lasoo cayimay kaddib qiimeynta guud.

Madaxweyne Waare ayaa Shahaado sharaf uu ku muteestay Dib-u Heshiisinta iyo wax ka qabashada arrimaha Fatahaadda Baladweyne guddoonsiiyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...