Saturday, April 18, 2026
28.7 C
Mogadishu

AKHRISO: Madasha Xisbiyada Qaran oo taageeray Shirka ka dhacaya Dhuusamareeb

Muqdisho (Halqaran.com) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa soo dhoweeyay Shirka dowlad goboleedyada ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Madasha.

Madasha ayaa sheegtay inay ka xun yihiin baaqashada kulankii dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku balansanaayeen Muqdisho 5-8 July, taasoo caddeyn u ah bay yiraahdeen fashilka hoggaanka sare ee dalka.

Madasha ayaa nasiib daro iyo fashil ku tilmaamtay in Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka maqan yihiin Shirka ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb.

“Ka maqnaashaha hoggaanka dalka ee shirka ka dhacaya Dhuusamareeb waxaa ay muujineysaa ifafaallo aan wanaagsaneyn, Madasha Xisbiyada Qaran waxay kula dar-daarmeysaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u istaagaan gudashada waajibaadka ka saaran howlaha Dastuuriga ah ee suurto-gelin kara doorashooyin xor iyo xallaal ah, isla markaasna si nabad ah ku dhaca‘‘,  ayaa lagu yiri War murtiyeedka Madasha Xisbiyada Qaran.

Halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka Madasha Xisbiyada Qaran:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...