Monday, May 11, 2026
27.9 C
Mogadishu

Guddoomiyaha BF Soomaaliya iyo Safiirka Qatar ee Somaliya oo arrimo badan kawada hadlay

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal sheikh Cabdirahmaan ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya Danjire Hassan Bin Hamza Asad.

Safiirka ayaa ugu horreyn Guddoomiyaha soo gaarsiiyay warqad tahniyad ah oo ku saabsaneyd hambalyadda maalmaha xorriyada Soomaaliya ee uu soo diray Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Qatar.

Sidoo kale, waxay ka wada hadleen labada dhinac mashaariicyada dawladda Qatar ay ku taageerayso Dowladda Soomaaliya dhinacyadda dhismooyinka iyo hormarinta sidii loo xoojin lahaa.

Labadan mas’uul ayaa waxaa kaloo ka mid ah arimihii ay kawada hadleen, howlaha doorashooyinka Soomaaliya iyo halka ay marayaan maadaama kulamadii u dambeeyay Baarlamaanka ay yeesheen diiradda lagu saarayay hirgelinta doorashooyin ka dhaca Soomaaliya 2020-2021.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...