Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Banaanbax lagu taageerayo Ansixintii Malataada gobolka Banaadir oo ka socda Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halaran.com) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda banaanbax ay dhigayaan Boqolaal dadweyne ah oo laga soo kala abaabulay Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dibad-baxaan ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay taageero in loogu muujiyo Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, kadib markii Sabtidii shalay ay ansixiyeen Matalaada Gobolka Banaadir oo 13 Kursi Aqalka Sare ah.

Hooyooyin kala duwan oo laga soo kaxeeyay Degmooyinka Gobolka Banaadir, loona soo dhiibay Calanka Soomaaliya ayaa isugu soo baxay taalada Daljirka Daahsoon.

Dadka Banaanbaxa dhigaayo ayaa sida caadada ahba waxaa laga soo kala kaxeeya Degmooyinka Gobolka Banaadir, intooda badana waa haweenka Nadaafadda ka shaqeeya ee Degmooyinka ka diiwaangashan.

Inkastoo jawiga Magaalada Muqdisho uu yahay mid roobeed ayaa haddana waxaa la filayaa Banaanbaxayaasha inay la hadlaan masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay xireen waddooyinka soo gala taalada daljirka daahsoon, halkaasi oo ah goobta Banaanbaxa uu ka socdo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...