Tuesday, May 12, 2026
31.9 C
Mogadishu

Qaramada Midoobay oo Madaxda DFS ugu baaqday in la dhammeeyo xadgudubyada ka jira Somaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Iyadoo Jimcaha maanta ay ku beegan tahay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Galmoodka ee xilliyada Colaadda, ayaa Qaramada Midoobay waxay ku baaqday in la qaado tallaabo dheeri ah si loo ciribtiro rabshadaha galmada ee la xiriira colaadda ee ka dhaca Soomaaliya.

QM ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliya, bulshadda iyo la-hawlgalayaasha inay wax dheeraad ah ka qabtaan sidii ay u caawin lahaayeen una dhageysan lahaayeen dhibanayaasha iyo kuwii ka badbaaday rabshadaha galmada la xiriirta colaadaha (CRSV).

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, sannadkii 2019, tirada kiisaska kufsiga ee laga soo sheegay Soomaaliya waxay ahaayeen 744, oo 241 ka mid ah la xaqiijiyay inay yihiin kiisas CRSV oo lala beegsaday haween iyo gabdho.

Tirada ayaa la rumeysan yahay inay intaas ka badan tahay sababo la xiriira in dadka ugu badan ee ka badbaada xadgudubka galmada ee la xiriira xilika colaadaha aysan soo sheegin.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa yiri; “Rabshadaha galmada la xiriira xilliyada colaadaha waxay reebaan dhaawacyo qotodheer oo shakhsi ah, waxayna sii ahaadaan kuwo xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha ee dhibanayaasha. Waxay sidoo kale dhaawacaan isku xirnaanta bulshada iyo dalka, boosna ugama banaana Soomaaliyada casriga ah, ee soo ifbaxaysa”.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...