25.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 10, 2022

KENYA: Kursiga QM uma adeegsan doonno Khilaafka Somaliya nagala dhaxeeya ee muranka badda

Nairobi (Halqaran.com) – Kenya ayaa ku guulaysatay kursi aan joogto ahayn oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kadib markii ay codadkii loo baahnaa ka heshay tartankii kala dhexeeyay Jabuuti.

Kenya ayaa wareegga labaad ee doorashada heshay 129 cod, halka Jabuuti ay heshay 62 cod.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka Kenya, Adan Barre Ducaale, ayaa sheegay in dalkiisa uu ka shaqeyn doono wanaajinta ammaanka caalamka, gaar ahaan kan gobolka.

Ducaale ayaa sheegay in dalkiisa aanu kursiga u adeegsan doonin khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya ee salka ku haya muranka xuduud badeedka labada dal.

“Waxaan u maleynayaa in Soomaaliya ay kamid ahayd dalalkii noo codeeyay markii aan musharraxa ka ahayn Midowga Afrika. arinta badda waxay hor taallaa maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Soomaaliya waxay ogoshahay maxkamadda waxay go’aamiso, anagana sidoo kale. Dalal walaalo ah ayaan nahay, mana kala go’ayno,” ayuu yiri Adan Barre Ducaale.

Guusha Kenya ayaa ka dhigan in bisha January 2021 ay muddo laba sano ah kamid noqon doonto 15-ka xubnood ee golaha ugu awoodda badan marka laga hadlayo ammaanka iyo xasilloonida caalamka.

Ugu dambeyn, go’aannada ay Kenya ku lug lahaan karto waxaa kamid ah cunaqabateynta, adeegsiga awood milateri si loo ilaaliyo nabadda iyo weliba doorashada xaakimiinta maxkamadda cadaallada adduunka (ICJ).

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannes@gmail.com

Latest News

Uganda, Somalia ink MoU on Defence Cooperation

Somalia and Uganda have signed defence cooperation agreement following...

FAO appeals for over $130M to assist 882,000 people across drought-hit Somalia

By - Mohammed Dhaysane  / AA The UN Food and...

Kenyan presidential candidates in final dash before vote to succeed Kenyatta

Flanked by cheering crowds, the frontrunners in Kenya's presidential...

Somalia backs China over US, reaffirms its supports for one-China policy

Somali government has expressed its support for China’s sovereignty,...

Over 800 Al-Shabab’s Militants Killed Including 24 Top Leaders

More than 800 militants of the terrorist al-Shabab group...
spot_img

Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe oo guddi u saaray fowdadii ka dhacaday Golaha Shacabka

Muqdisho (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo kasoo talabixiya dhacdadii 07/08/2022 ka dhacday...

Mahdi Guuleed oo xilka ku wareejiyay R/Wasaare Ku xigeenka cusub ee dalka

Muqdisho (Halqaran.com) - Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisal Wasaare Kuxigeenkii hore ee xukuumadda, Mahdi Maxamed Khadar...

Mareykanka oo Ukraine ugu yaboohaya hub uu qiimihiisu gaarayo hal bilyan oo dollar

Washington (Halqaran.com) - Dowladda Mareykanka ayaa ballanqaaday taageero dheeri ah oo militari inay siin doonto Ukraine, si dowladda dalkaasi ay isaga caabiso duulaanka Ruushka. Hubkan...