Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya Khasaaraha ka dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay Qaraxii saaka qabsaday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo maraayay deegaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabellaha hoose.
Gaarigan ayaa la sheegay inuu ka ambabaxay Isgoyska Excontrol Afgooye, waxaana uu ku sii jeeday Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaana saarnaa Baabuurka dad gaaraya 22 ruux oo shacab ah.
Qaraxa gaariga wuxuu ku qabsaday Deegaanka Xaawo Cabdi, kadib markii miino wadada dhinaceeda lagu aasay uu ku istaagay gaarigaan.
Guddoomiyaha deegaanka lafoole, Ibraahim Xuseen Saalax ayaa waxaa uu sheegay in gaariga uu ka ambabaxay Ex-kontorool Afgooye, kuna wajahnaa Degmada Walanweyn ayna saarnaayeen 22 Ruux oo 6 kamid ah ay geeriyoodeen, halka 14 kale ay dhaawacmeen.
Agaasimaha Isbitaalka Madiina, Dr. Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Isbitaalka Madiina la keenay 13 ruux oo 7 kamid ah ay dhaawac ahaayeen iyo dhimashada lix ruux, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay deegaanka Lafoole.
Ugu dambeyn, laamaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin qaraxaasi ay ku waxyeeloobeen dadka rayid ah oo saarnaa Gaari Hoomey ah oo kusii jeeday Gobolka Shabeellaha Hoose.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





