Wednesday, June 3, 2026
26.6 C
Mogadishu

Update: Militariga Soomaaliya oo iska fogeeyay xasuuqii ka dhacay duleedka Balcad

Muqdisho (Halqaran.com) – Militariga Soomaaliya ayaa iska fogeeyay dhacdadii shalay ka dhacday duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, laguna laayay shaqaale ka shaqeynayay arrimaha bani’aadanimada.

Shaqaalahan oo laga kaxeystay Xafiiska Hay’adda Zamzam Foundation ee duleedka Degmada Balcad ayaa waxaa saacado, kadib meydadkooda la soo dhigay wadada dhinaceeda.

Sida ay dadka deegaanka sheegeen waxaa falkasi gaystay rag ku labisnaa dareyska Ciidamada Militariga, isla-markaana uu wejiyada u duubnaa.

Taliyaha Guutada 3aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Korneyl Abshir Maxamuud Shitaqey, ayaa sheegay inaanay Ciidanka Xoogga Dalka wax lug ahi ku lahayn dilka sideeda shaqaalaha loogu gaystay Deegaanka Gololey, oo hoos-tagga Degmada Balcad.

Taliyaha oo wareysi siiyay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa tibaaxay in ay wadaan baaritaan ku aadan, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii falkaasi ka dambeeyay, isagoona ku celiyay inaanay Ciidanka Xoogga Dalka wax shaqo ahi ku lahayn weerarkaasi.

Taliyaha ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Ciidanka Xoogga Dalka ay u taagan yihiin difaaca shacabka Soomaaliyeed, oo aysan ka suuroobin falalka ceynkaasi oo kala ah, sida uu yiri.

Ugu dambeyn, ilaa iyo hadda ma cadda cidda rasmiga ah ee falkaasi gaysatay, balse waxaa jira dad siyaabooyin kala duwan ula kala xiriirinaya Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...