Friday, May 15, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: Xildhibaannada BF Soomaaliya oo ku shiri doona qaab Online ah (Internetka)

Muqdisho (Halqaran.com) – Iyadoo gelinkii dambe ee Jimcihii shalay dib ugu soo laabteen dalka, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo muddooyinkii dambe ku xanibnaa dalka Turkiga ayaa sida qorshaha uu yahay kulamada Baarlamaanka waxaa la rajeynayaa in markale dib loo bilaabo.

Xildhibaan Maxamed Xasan Nuux oo ah Hab-dhowraha Baarlamaanka Federalka Somaliya oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshe dhanka Internet-ka oo kulamada Baarlamaanka ay ku dhici doonaan hadda kadib.

Mudane Maxamed Xasan Nuur ayaa xusay, in la diyaariyay nidaamka Zoom meeting oo ah hab waayahan dambe shirarka adduunka ay ku dhacaan.

Wuxuu kaloo Xildhibaanku sheegay, nidaamkaan inay ku shiri karaan, illaa 500 ruux, waxaana uu sheegay in ahmiyada koowaad la siinaayo sharciyada muhiimka ah ee Baarlamaanka horyaalo sida Sharciga doorashooyinka iyo kan axsaabta.

Ma cadda illaa iyo iminka nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso sanadka 2021, iyadoo mudada xil haynta dowladda hadda joogta ay ka harsan tahay kaliya sideed bilood.

Cudurka dilaaga ah ee Coronavirus, saameynta xooggan ee uu ku yeeshay caalamka oo dhan, ayaa laga yaabaa in doorashada Soomaaliya dib u dhac ku keento, walow Xisbiyada Mucaaradka ahi ay si adag uga soo horjeedaan dib u dhac ku yimaado doorashada Soomaaliya ee lagu wado 2021.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...