Kismaayo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya, in xalay halkaasi lagu dilay askari ka tirsan ciiadamada Madaxtooyada.
Wararka ayaa sheegaya in dilkaasi uu gaystay Askari ka tirsan Ciidamada illaalada Madaxtooyadda Maamulka Jubbaland.
Labada Askari ayaa la sheegay inuu soo kala dhex galay muran illaa hadda aan la ogeyn waxa uu salka ku haayay, balse Askariga dilka gaystay uu qoriga la booday, kadibna rasaas uu la dhacay marxuumka dhintay.
Ciidamada Madaxtooyadda Jubbaland ayaa durbadiiba gacanta ku dhigay Askariga dilka gaystay oo isku dayay inuu ka baxsado goobtii uu ku dilay Askariga kale.
Ugu dambeyn, saldhiga Ciidamada Booliska Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ayaa lagu wareejiyay Askariga dilka geystay. Waxaana iminka uu ku xiran yahay halkaasi, waxaana lagu wadaa in sharciga la horgeeyo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





