Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS iyo Wafdi Xildhibaanno ah oo ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka ayaa gelinkii dambe ee Jimcaha dib ugu soo laabtay Dalka.
Labada guddoomiye, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Muddooyinkii dambe, xubnaha wafdiga labada guddoomiye ayaa ku sugna dalka Turkiga, waxaana magaalada Istanbul ka soo qaaday diyaarad qaas ah oo keentay magaalada Muqdisho.
Muddooyinkii dambe waxa ay xubnahaan ku sugnaayeen dalka Turkiga, waxaana saameyn ku yeeshay xannibaadda fayruska Corona, maadaama isu socodka diyaaradaha caalamka uu joogsaday.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com










