Wednesday, June 17, 2026
26.4 C
Mogadishu

MSF oo walaac ka muujisay xaaladda Soomaaliya ay hadda ku sugan tahay +(Bayaan)

Muqdisho (Halqaran.com) – Hay’adda Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa walaac xoogan ka muujisay xaalad ay ku qeexday (khalkhal bani’aadannimo) oo ka jirta Soomaaliya, xilli ay isugu darsameen saameynta Cudurka Coronavirus, colaadaha iyo fatahaado.

Bayaan ay hay’adda MSF soo saartay maanta ayey ku muujisay walaaceeyda.

“Faafidda COVID-19 waa masiibo caalami ah oo aan horay loo arag. Médecins Sans Frontières / Dhakhaatiirta Aan Xudduuda Lahayn (MSF) waxay sameyneysaa wax kasta oo ay kari karto si ay uga jawaabto arinkaan Soomaaliya iyo Somalilandba, iyadoo aan ku dadaaleyno in aan sii wadno wax-qabadyada naf badbaadinta ee muhiimka ah ayadoo ay caalamka oo dhan ka jirto yaraanta sahayda iyo xaddidaada dhaqdhaqaaqa shaqaalaha” ayaa lagu yiri warbixinta.

Sidoo kale, waxay hay’addu sheegtay in cudurka uu sii xoojiyay dhibaatooyinkii kale ee horay uga jiray Soomaaliya.

“Xataa ka hor inta uusan billaabanin qalalaasaha COVID-19, Soomaaliya waxaay la daalaa dhacaysay caqabado bini’aadanimo oo aad u weyn. Malaayiin dad ah ayay guryahooda ka saareen colaado, masiibooyin la xiriira cimilada, sida abaaraha, dhibaatada ayaxa iyo fatahaado. Todobaadyadii la soo dhaafay, roobab mahiigaan ah ayaa mar kale sababay daadad qaybo badan oo dalka ka mid ah, iyadoo Qaramada Midoobay ay ku qiyaastay in ka badan 200,000 oo qof in ay saameeyeen kana burburiyeen guryihii, dhul-beereedkii iyo hab-nololeedkii kale”.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...