Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo saartay qorshe 7 xirmo shidaal laga halay oo ku yaal badda Soomaaliya ay ugu soo bandhigayso maalgashadeyaasha dunida 4 bisha August ee sannadkan.
Wasaaraddu waxa kale oo ay sheegtay in talaabadani ay tahay uun shaacin ee marka la helo cid danaynaysa inay maal gashato oo shidaalkaa soo saarto la bilaabi doono wadaxaajoodka maalgashigaas.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa baarista xogta shidaalka u xilsaartay shirkadda Spectrum.
Bishii Febraayo ee 2019 ayaa magaalada London waxaa lagu qabtay shir looga hadlayay arrimaha shidaalka Soomaaliya kaas oo uu ka qeyb galay wasiirka macdanta iyo betroolka ee Soomaaliya.
Haddaba xiligan maxaa keenay in Soomaalia ay beecinayso xirmooyinkan wakhtig shidaalkii dunida uu dhulka galey, mase jiraan shirkado gaar ah oo dowladda ay danaynayso inay ka gado xirmooyinkan.
Su’aalahaas iyo kuwa kale ayaa laanta Af Soomaaliga ee VOA-da waydiisey, wasiir ku-xigeenka wasaaradda batroolka Soomaaliya, Mahmamuud Cabdulqaadir Hilaal oo ku sugan magaalada Muqdisho.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





