Tuesday, May 26, 2026
26.3 C
Mogadishu

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka +(SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa shir khadka internetka ah la qaatay danjirayaasha beesha caalamka oo ay ka mid yihiin wakiilada UN-ka, US, UK, AU, IGAD, EU, Ethiopia, Germany, Italy iyo Sweden.

Qoorqoor iyo wakiilada beesha caalamka ayaa ka wadahadlay dhowr arrimood oo ay ka mid ahaayeen ka hortagga iyo la tacaalidda Covid-19, xaaladaha amniga Galmudug, siyaasadda loo dhan yahay iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahadceliyay beesha caalamka taageerada joogtada ah ee la garab taaganyihiin Shacabka iyo Dowladda Galmudug.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...