Tuesday, June 23, 2026
27.2 C
Mogadishu

Cumar Filish oo kormeeray goobihii uu waxyeeleeyay Roobabkii ka da’ay Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray xaafadaha Ceelqalow iyo Xalane iyo Galbeedka Magaalada Muqdisho.

Xaafadahan ayaa ka mid ah goobaha ay sida weyn u saameeyeen roobabkii habeen hore ka da’ay Magaalada Muqdisho, oo sababay dhimashada lix qof, burburka guryo iyo weliba wadooyin.

Cumar Filish ayaa soo indho indheeyay inta ay le’eg tahay waxyeelada ay roobabkaasi u gaysteen labadaasi xaafadood, iyadoona uu in muddo ahba kormeerkaasi ku guda jiray.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale la kulmay qaar ka mid ah qoysaska ay waxyeelada ka soo gaartay roobabkan ugu dambeeyay, ee ka da’ay Caasimadda Muqdisho, isagoona uga tacsiyadeeyay dhibka soo gaaray, waxa uuna dhanka kale ballanqaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu garab taagan yahay.

Wuxuuna deeq lacag ah ku wareejiyay qoysaskii ay waxyeeladu ka soo gaareen roobabka, si ugu yaraan ay samir-siin ugu noqoto, noloshooduna ugu maareeyan.

Duqa Muqdisho oo kormeerkan sameeyay gelinkii dambe ee Isniintii shalay ayaa waxaa ku wehlinaay Gudoomiye Kuxigeenada Gobolka Banaadir iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka.

Ugu dambeyn, waddada xiriirisa Isgoyska Shaqaalaha iyo Masaajidka Sheekh Cali Suufi ayaa ka mida wadooyinka uu burburka xoogan ka soo gaaray roobabkan, oo si weyn looga dareemay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...