Muqdisho (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Saybiyaano ee Degmada Hodan, ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay nin Al-Shabaab ah oo sida la sheegay dhaawac u gaystay Sarkaal Ciidan.
Ninkaan Shabaabka ah ayaa wuxuu rasaas la dhacay nin Sarkaal ah, kadibna wuxuu isku dayay inuu baxsado, balse dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta falka uu ka dhacay ayaa eryaday ninkii Shabaabka ahaa.
Dadka oo ku qaylo dhaaminaya (qabta Shabaabka) ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan ruuxii Shabaabka ahaa, waxaana lagu wareejiyay Booliska.
Maamulka Degmada Hodan masuuliyiin ka tirsan oo la hadlay Halqaran.com ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabada dadkaasi shacabka ah ay gacanta ugu dhigeen shaqsigaasi Shabaab ay gacanta ku dhigeen.
Tallaabada maanta lagu qabtay ninkaan ka tirsan Shabaab ayaa waxa ay muujinaysa in dadka shacabka ay yihiin kuwa soo jeestay oo dhibsaday falalka Shabaab ay dadka ku laynayaan, iyadoo lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






