Sunday, May 10, 2026
28.2 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Ergooyinkii soo xulay Xildhibaanada

Buq-Aqable (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay qaar kamid ah Ergooyinkii soo xulay Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kuwaasi oo qaatay amarkii ahaa in ay isu soo diiwaangaliyaan muddo kooban.

Warbaahinta maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa baahisay kulan dhexmaray Gudoomiyayaasha Al-shabab ee Goboladda Shabeelaha Dhexe,Hiiraan,Mudug iyo ergooyinkii soo xulay Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaasi oo ka dhacay Degmadda Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta Al-shaabab ayaa sheegay in cafis loo fidiyay Odayaasha towbad keenay ee lagusoo bandhigay degmada Buq Aqable.

Maamulka Hirshabelle waxaa ka yimid 53 Oday halka maamulka Galmudug ay ka yimideen 33 Oday dhaqameed oo dhammaantood kamid ahaa kuwii soo xulay Xildhibaannada baarlamaanka DF-ka.

Qaar kamid ah odayaashii lagusoo bandhigay degmada Buq Aqable ayaa u mahad celiyay Al Shabaab soo dhoweynta diirran ee ay usameysay waxayna ballan qaadeen in haddii ay ku laabtaan deegaannadii ay ka yimideen ay dadka ku baraarujin doonaan ku dhaqanka shareecada islaamka.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...