Thursday, June 18, 2026
26.2 C
Mogadishu

Iiraan oo farriin hanjabaad ah hawada u marisay dalka Jarmalka (Maxaa cusub?)

Tehran (Halqaran.com) – Iran ayaa cambaareysay go’aanka ay Jarmalka dalkooda uga mamnuuceen dhaq-dhaqaaqyada kooxda Xizbullah ee dalka Lebanon, waxaana ay sheegtay inay wajihi doonaan cawaaqibka go’aankii ay ugu hoggaansameen cadaadiska Israel iyo Mareykanka.

Jarmalka ayaa Isniintii ku callaameeyey kooxda Xizbullah “koox argagixiso Shiico ah,” ayada oo tabaneeyo boolis ah ay weerareen masaajiddo iyo xarumo xiriir la leh kooxdan oo ku yaalla dalkaas.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Iran ayaa lagu sheegay in mamnuucista ay iska indho-tireyso “xaqiiqooyinka Galbeedka Asia”.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay in tallaabada Jarmalka laga leeyahay oo kaliya hadafyo “borobogaan loogu samaynayo Zahnuuniyadda iyo taliska Mareykanka ee jahwareersan”.

Waxay “si xooggan” u cambaareysay go’aanka oo ay sheegtay inuu muujinayo “xushmad darro buuxda oo lagu sameeyey dowladda iyo qaranka Lebanon, maadaama Xizbullah ay si rasmi oo sharci ah qeyb uga tahay dowladda iyo baarlamanka dalka.”

Iran ayaa sheegtay in Xizbullah “ay kaalin muhiim ah ku lahayd la-dagaalanka argagixisada Daacish ee gobolka.”

“Dowladda Jarmalka waa inay wajahdaa cawaaqibka xun ee go’aankeeda marka ay noqoto dagaalka kooxaha argagixisada dhabta ah ee gobolka,” ayey tiri.

Xizbullahi ayaa waxaa la aas-aasay 1982-kii intii uu socday dagaalka sokeeyey ee Lebanon, waxaana sanaddii 2006 ay dagaal qaraar la gashay Israel.

Iran ayaa taageero weyn u ah kooxdan Shiicada ah iyo iska caabinteeda ka dhanka ah Israel, oo ah cadowga Iran.

Mareykanka iyo Israel ayaa muddo fog ka hor kooxdan u aqoonsaday koox argagixiso, waxaana ay ku qal-qaaliyeen dalalka Galbeedka inay sidaas oo kale sameeyaan.

Si la mid ah Midowga Yurub, Jarmalka ayaa illaa iminka waxa uu mamnuucay kaliya garabka militari ee kooxda, halka uu dulqaad u muujinayey garabka siyaasadeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...