Thursday, June 18, 2026
25.4 C
Mogadishu

Wakiilkii hore ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Augustine Mahiga oo geeriyooday

Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Augustine Mahiga.

Tanzania (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli ayaa War-Saxaafadeed uu soo saarey Jimcaha maanta oo ah 1-da Bisha May waxaa uu ku xaqiijiyey in uu geeriyooday Wasiirkii Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka dalkaas Augustine Mahiga.

War-Saxaafadeedka waxaa uu ku sheegay in Augustine Mahiga uu xanuun kusoo booday, isla markaana Maanta uu ku geeriyooday Isbitaal la dhigay oo ku yaalla dalkaas.

Augustine Mahiga ayaa mar soo noqday Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya inta u dhaxeysay June 2010 iyo June 2013.

Mahiga ayaa hadda waxa uu ahaa Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka dalka Tanzania.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...