Wednesday, April 22, 2026
27.6 C
Mogadishu

DF Somaliya oo agab caafimaad oo looga hortagayo Cudurka Coronavirus geysay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Mas’uuliyiin ka socota xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan guddiga qaran ee ka hortagga Cudurka Coronavirus (COVID-19) ayaa Khamiistii maanta agab caafimaad geeyay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Agabkan ayaa loo adeegsan doonaa sidii loo xakameyn lahaa safmarka Covid-19, waana maamulkii sadexaad oo agabkan la gaarsiiyo.

Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeele ayaa horey loogu wareejiyay agabkan ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo loogu talagalay in lagula tacaalo Cudurka COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa amray in dhammaan maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir dowladdu gaarsiiso agab iyo maaliyad loo adeegsado ka hor tagga safmarka Coronovirus.

Sidoo kale, waxaa dhawaan la gaarsiin doonaa Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...