
Muqdisho (Halqaran.com) – Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa lagu soo warramayaa in ciidamada Asluubta ee maamula xabsigaasi ay si xun ula dhaqmeen wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye.
Agaasime Ku-xigeenka ahna Tafaftiraha Idaacadda Goobjoog ayaa maalintii Talaadada lagu xiray Saldhiga Booliska ee Degmada Hodan, ka dib markii la sheegay inay soo eedeysay Xeer Ilaalinta Qaranka.
Wariyaha ayaa maalintii Arbacada loo gudbiyay Xabsiga Dhexe ee Xamar, iyadoo aynaan Maxkamadda Gobolka Banaadir dhageysan garmaqalka dacwadiisa, oo qareenadiisii ay gudbiyeen, waxaana dib loo dhigay maxkamadayntiisa illaa waqti aan la garanayn.
Tallaabada Wariyaha loogu wareejiyay Xabsiga Dhexe ayaa khilaafsan shuruucda dalka. Sharciga ayaa dhigaya inaanan Xabsiga Dhexe ee Xamar lagu xiri karin qof aynaan maxkamadi xukumin. Xabsiga waxaa lagu xiri karaa oo keliya dadka ay maxkamaduhu xukumaan.
Labadii habeen ee ugu dambeysay ee Wariyuhu uu ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa la soo sheegaya in ay si khilafsan ula dhaqmeen Ciidamada Asluubta, ee uu Taliyuhu u yahay General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Wariye Cabdicasiis Gurbiye lagu xiray qolalka lagu xiro dadka dembiyada culus gaysta, sida dilalka oo kale, dil toogashana ku xukuman. Qolalkan oo kuwo aad u ciriiriya ayaa loo yaqaanaa (Sheelo Moorto).
Sidoo kale Sheelo Moorto ayaa in badan ka duwan qolalka kale ee Xabsiga Dhexe, iyadoo ay aad u ciriiri yihiin ayaa hadana lagu xiraa, tiro ka badan intii loogu talagalay.
Xaaladda caafimaadeed ee Wariyaha ayaa la soo sheegaya inaanay wanaagsanayn, waxayna tani walaac xoogan ku abuurtay eheladiisa iyo asxaabtiisaba.
Si dhab ah looma oga cidda soo eedeysay Wariyaha iyo waxa lagu haysataba, marka laga soo taggo in uu ku dhegan yahay Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaase jira warar sheegaya in amarka lagu xiray uu ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ugu dambeyn, xariga Wariyaha iyo qaabka loola dhaqmayba ayaa xoojinaysa eedeymihii isa soo taraayay, ee in dhawaalaba loo jeedinayay Dowladda Madaxweyne Farmaajo, lana xiriiray inay caburin xoog lihi ku hayso bahda Saxaafadda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





