Friday, May 8, 2026
31.9 C
Mogadishu

Duulimaadyadii tagi jiray deegaannada Hirshabelle oo la hakiyay

Jowhar (Halqaran.com) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa amar ku bixiyay in la hakiyo dhammaanba duulimaadyada yimaada Deegaanada Hirshabelle.

Digreeto saqdii dhexe xalay ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle ayaa si rasmi ah loogu sheegay in la hakiyo gaadiidka dhinaca cirka ee tagga Hirshabelle.

“Anagoo tixgelinayno xaaladda caafimaad ee deg-degga ah uu wadanka ku jiro, gaar ahaan Dowlad Goboleedka Hirshabelle, waxaan hakinay dhammaan duulimaadyada rayidka ee soo aada Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Sidaa daraadeed waxaan idinka codsaneynaa inaad naga talo gelisaan duulimaadyada soo dalbada codsi gaar ah.” Ayaa lagu yiri digreetada.

Sidoo kale, waxaa digreetada lagu cadeeyay inaanay Hirshabelle aqbali doonin in ay iska yimaadaan duulimaadyo aan fasax haysan.

Ugu dambeyn, sida digreetada lagu sheegay amarkani wax saamayn ah kuma yeelan doono duulimaadyadii arrimaha bani’aadanimo, oo sidoodii hore ayay u socon doonaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...