Saturday, April 18, 2026
29.1 C
Mogadishu

Madaxda maamulka Hirshabelle oo ka hadlay geeridii ku timid wasiiru dowlihii Cadaaladda

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Axaddii maanta Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho cudurka Coronavirus ugu geeriyooday, Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda maamulka Hirshabeelle, sidoo kalena ahaa Xildhibaan khaliif Muumin Tooxoow, waxaana ka tacsiyadeeyey mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hirshabeelle Xildhibaan khaliif Muumin Tooxoow, isla markaana uu sheegay in uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo aanay marna ilaabi doonin kaalintiisa uu ku lahaa baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Dhinaca kale,  guddoomiyaha Golaha Xeer Dejinta Dowlad Goboledka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed isagoo Ku Hadlaya Magaciisa, Kan Gudoonka, Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka Waxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Ex Xildhibaan Khaliif Mumin Toxow oo Kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo Maanta ku Geeriyoday Magalada Muqdisho.

Guddoomiye Sheekh Cusmaan ayaa yiri, ‘‘waxaan tacsida iyo tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska Ehelka Asxaabta iyo Dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Khaliif, waxuuna Alle uga Baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo.

Ugu dambeyn, xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Maamulka Hirshabeelle iyo Siyaasiyiin ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hirshabeelle, sidoo kalena ahaa Xildhibaan khaliif Muumin Tooxoow.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...