Friday, May 15, 2026
29.9 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in heshiis horudhac ah ay gaareen Axmed Madoobe, Xiddig iyo Seeraar?

Nairobi (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya, in uu jiro is-afgarad aan weli la dhammeystin oo dhexmaray dhinacyada isku haya Jubbaland, gaar ahaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Xildhibaan Xiddig iyo Cabdinaasir Seeraar.

Xubnahaan ayaa isku qabtay arrimaha doorashooyinkii Jubbaland ka dhacay sannadkii hore, balse waxaa Maalmihii la soo dhaafay ku wada hadal siinayey Magaalada nairobi Xubno ka socda Dowladda Kenya.

Warar kasoo baxaya kulamo maalmahaan u socdey saddexda mas’uul ayaa waxaa ay sheegayaan inay 6 qodob ku heshiiyeen dhinacyadan, iyaga oo dhawaan war-saxaafadeed soo saari doona.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtey doorashadii ka dhacdey Magaalada Kismaayo ee lagu doortey Axmed Madoobe, balse lama oga waxa ay ka yeeli doonto heshiiska ay wada gaareen saddexdan Mas’uul.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...