Saturday, May 23, 2026
26.5 C
Mogadishu

Soomaali doonaysay inay ku biiraan DAACISH oo lagu xiray Mareykanka (Ogow Magacyadooda)

Arizona (Halqaran.com) – Waaxda cadaaladda dalka Mareykanka ayaa sheegtay in la xiray laba nin oo kasoo jeeda Soomaaliya, oo maleegayey inay taageero agab iyo dhaqaale siiyaan kooxda Daacish, oo Mareykanka uu ku suntay in ay yihiin urur argagixiso.

Labada nin oo lagu kala magacaabo Axmed Mahad Maxamed, oo da’diisu tahay 21 jir, iyo Cabdi Yemeni Xuseen oo 20 jir ah, ayaa 26-kii July lagu xiray gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.

Sida lagu sheegay dacwad dambiyeedka ka dhan ah, eedeysanayaasha ayaa waxay xiriir la lahaayeen shaqaale ka tirsan FBI-da oo qarsoodi ah, oo ay u haysteen inuu taageersan yahay fikradaha kooxda Daacish.

Xiriirka dhex maray labada Soomaalida ah iyo qofka ka tirsan FBI-da, ayaa shaaca ka qaaday inay damacsanaayeen inay u safraan dibadda oo ay u dagaallamaan Daacish, ama weerar ka fuliyaan gudaha Mareykanka, haddii ay awoodi waayaan inay safraan.

Si kastaba, eedeysanayaasha ayaa iibsaday tikidh ay ugu safrayaan dalka Masar, si ay u gaaraan gobolka Siinaay uguna biiraan Daacish.

Wakiillo ka tirsan FBI-da ayaa xiray Axmed iyo Cabdi markii ay yimaadeen garoonka diyaardaaha caalamiga ah ee Tucson International Airport ee gobolka Arizona.

Sida ku cad dacwad dambiyeedkooda, labada eedeysane ayaa dalka Mareykanka ku yimid qaxooti ahaan, waxayna kasoo jeedaan Soomaaliya. Axmed ayaa haysta kaarka degenaashaha Mareykanka (Green Card), halka Cabdi uu weli yahay qaxooti.

Ugu dambeyn, waaxda caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in dacwadaha ka dhanka ah labada nin ay weli yihiin eedeysanayaal oo kaliya, islamarkaana aysan wax dambi ah lahayn illaa ay sidaas ugu caddeyso maxkamad.

Xafiiska Halqaran.com, Minnesota
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...