Tuesday, April 28, 2026
28.6 C
Mogadishu

Mareykanka: Gabar Soomaali oo laga helay cudurka Coronavirus

Sabrina Dhowre iyo Seygeeda Idris Elba ee laga helay Coronavirus

New Mexico (Halqaran.com) – Sabrina Dhowre oo ah xaaska jilaaga Hollywood-ka Idris Elba ayaa xaqiijisay in uu ku dhacay fayraska corona, todobaad ka dib markii fayraska laga helay ninkeeda.

Sabrina ayaa difaacay go’aankii ay ku ag-joogtay saygeeda oo ku jiray karantiil, waxay u sheegtay barnaamijka cusub ee Oprah Winfrey ay ka bilowday Apple TV+ “Inay ay doonaysay la joogitaanka Idris, isla markaana ay dareemaysay dabciga xaasnnimo ee ah in ninkeeda ay daryeesho”

Lammaanaha ayaa ku sheegay wareysiga in ay hadda ku jiraan karantiil ayna ku sugan yihiin gobolka New Mexico, ee dalka Mareykanka, halkaasi oo jilaaga filimkiisii ugu dambeeyey lagu diyaarinayo.

“Dhab ahaantii, maanta ayaan ogaaday inaan qabo fayraska” ayey Sabrina ugu sheegtay Oprah iyadoo kula hadlaysay Facetime-ka Sabtidii.

“Go’aan waan sameyn lahaa aan nafteyda ugu galiyo qol gaar ah, ama aan ka fogaado, laakiin waxaan qaatay go’aan ah innaan isaga la joogo oo waliba xitaa jirkeenu is taabto” ayay tiri Sabrina.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...