Monday, April 27, 2026
28.9 C
Mogadishu

Faah-faahin ku saabsan qaraxii galabta lagu dilay taliyihii booliska ee Afgooye

Taliyihii booliska degmada Afgooye marxuum Cabdiqaadir Nuurow.

Afgooye (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin ka soo baxaysa qaraxii galabta lagu dilay taliyihii booliska degmada Afgooye marxuum Cabdiqaadir Nuurow.

Taliyaha ayaa qaraxa lagula eegtay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan ayaa xaqiijiyay geerida taliyaha, waxaana uu sheegay in laamaha Ammaanka ay waddaan baaritaano.

“Alle ha u naxariisto taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Afgooye Captan Cabdiqaadir Cismaan Nuunow iyo Mujaahidiinti la socotay ee galabta ku shahiiday qarax argagixisada ay la eegteyn gaari ay saarnaayeen, janada fardowso allaha ka waraabiyo Aamin Aamin” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.

Inta badan Saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed ayaa Qaraxyo Miino ah Al-Shabaab kula eegtaan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaa wadada xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...