Sunday, May 3, 2026
29.9 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo amar ku bixisay in la joojiyo dhammaan tartamaha cayaaradaha dalka

Horyaalada kubadda cagta ee Sooomaaliya /Sawir hore

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin hor leh, oo ujeedkiisu yahay in lagu yareeyo amaba lagula dagaallamo faafitaanka caabuqa Coronavirus.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya ayaa waxay galabta soo saaray amar muddo shan iyo toban maalmood lagu joojinayo cayaaraha noocyadooda kala duwan, dhammaan dalka oo dhan, si looga hortaggo faafitaanka Coronavirus.

War ay soo saartay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha ayaa lagu sheegay in shan iyo toban cisho la joojiyo dhammaan cayaaraha dalka, noocyadooda kala duwan.

Warka ayaa ahaa mid ku socday Wasaaradaha Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Maamulada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Banaadir, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Warka qoraalka ee ka soo baxay Wasaaradda Dhalinyaradaha & Cayaaraha Somaliya ayaa lagu muujiyay laga bilaabo Khamiista berrito, oo taariikhduna ku beegan tahay 19-ka bishan in la joojiyay dhammaan cayaaraha kala duwan ee dalka.

Cayaaraha la joojinayo waxaa ugu muhiimsan Horyaalka Soomaaliya, oo xilligan uu wareegiisii labaad si habsami leh uga soconayo Magaalada Muqdisho.

Xiriirka Kubadda Cagta Dalka ayaa waxaa laga soo xigtay in laga bilaabo maalinta berrito ah ay u hoggaansami doonaan amarka ka soo baxay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha, oo ay Wasiir ka tahay Khadiijo Maxamed Diiriye.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhaqangalay amar xalay ka soo baxay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, oo ku aadanaa in la xiro goobaha waxbarashada muddo 15 maalmood ah, halka saqda dhexe ee caawana la fillayo in uu dhaqangalo amarkii lagu joojinayo dhammaan duulimaadyadii dalka imaanayay iyo kuwii kale ee ka baxayayba.

Ugu dambeyn, caabuqa Coronavirus ayaa tan iyo Jimcihii ku fidaayay Wadamada Geeska Afrika, iyadoona laga diiwaangeliyay dalal ay ka mid yihiin Tanzania, Kenya, Itoobiya, Somaliya iyo Jabuuti oo maanta xaqiijisay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...