Sunday, May 3, 2026
29.9 C
Mogadishu

Caleemo saarka madaxweynaha Galmudug ‘Qoorqoor’ oo dib loo dhigay

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Qoorqoor

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddiga qabanqaabada caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa go’aansaday in dib loo dhigo munaasabadda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020.

Guddiga ayaa go’aankan gaaray markii uu arkay saameynta ay xannibaadda diyaaraduhu ku yeelatay qurbajoogta Soomaaliyeed ee ka qaybgeli lahaa munaasabadda, arkay talada dhakhaatiirta, dhageystayna soo jeedinta Dowladda Federaalka ee ah in la dhimo kulammada waaweyn.

Guddigu wuxuu garawsaday baahida loo qabo in maskax, muruq iyo maalba la isugu geeyo ka hortagga faafidda dulinka Korona iyo daryeelka dadka qaada cudurka ka dhasha ee Covid-19.

Caleema saarka waxaa la qaban doonaa xilli ku habboon kaas oo uu Guddigu la wadaagi doono Dadweynaha xilli gudboon.

Madaxtooyada Galmudug waxay muddo gaaban gudaheed faahfaahin rasmi ah ka bixin doontaa howlaha ay Madaxtooyada iyo Baarlamaanku ku dhaqaaqi doonaan maalmaha iyo toddobaadyada foodda nagu soo haya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...