Afmadow (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Axaddii maanta gaaray Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Axmed Madoobe waxaa safarkan ku weheliya qaar kamid ah Sarakiisha Ciidamada iyo masuuliyiin kale iyadoo uu qayb ka yahay socdaal shaqo oo uu ku marayo qaar kamid ah deegaanada Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Degmada Afmadow kusoo dhaweeyay Sarakiisha iyo Ciidamada ku sugan Degmada Afmadow iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Waxaa si dardar leh u socda dadaalka uu Madaxweynahu ugu jiro sidii loo dardar galin lahaa howlagalada dib u xorraynta ah ee ka socda deegaanada Jubbaland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com









