Saturday, April 25, 2026
28.3 C
Mogadishu

DF Somaliya oo Digniin u jeedisay maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta Xeebaha dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay Maraakiibta sida sharci darrada ah biyaha dalka uga kalluumeysta.

Wasiirka kalluumeysiga iyo Khayraadka badda, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa digniin u diray Maraakiib laga leeyahay Waddamada Iiraan iyo Pakistan oo si sharci darro ah uga kalluumeysta biyaha dalkeenna.

“Waan uga digeyntaa maraakiibtaasi inay si degdeg ah Waddanka uga baxaan wixii awooda ee aan saari karno iyo soo qab-qabashadoodana waan ka shaqeyneynaa. Waxaan u baahannay in cid kasta oo naga caawin karta inay naga caawiso sidii loo qaban lahaa maraakiibtaas” ayuu yiri wasiirka kalluumeysiga DF Soomaaliya oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka.

Markaakiibtaasi oo ah 43 markab ayuu sheegay Wasiirku inay badankood ku jiraan Xeebaha Galmudug iyo Puntiland, ayna sababi karaan in mar kale ay burcad badeednimadii xoogeysato, waxa uuna ciidamada la dagaallanka burcad badeedda ugu baaqay in dowladda ka caawiyaan xogta rasmiga ah ee maraakiiba sida sharci darrada ah uga jillaabayana biyaha dalka.

DF Soomaaliya oo sannadkii hore doomo kalluumeysi siisay shatiyo ay kalluunta Tuna uga jillaaba karaan biyaha dalka ayaa xoogga saareysa in badaha dalku ay u noqon amni shirkadaha kalluumeysiga caalamku ay ugu soo dhiirradaan inay si sharci ah uga kalluumeystaan, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeedna ay faa’iido uga helaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...