Saturday, April 25, 2026
28.9 C
Mogadishu

UPDATE: Xilliga la caleemo saarayo madaxweynaha Galmudug ‘Qoorqoor’ oo la shaaciyay

Madaxweynaha Galmudug, Qoorqoor

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Guddiga Xafladda Caleemo Saarka ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Yuusuf Garaad Cumar, ayaa war ka soo saaray xilliga la qaban doono xafladaasi.

Guddiga oo maalmihii ugu dambeysay qabanqaabada ku hawlanaa ayaa waxay ugu dambeyn isu raaceen in xafladda la qabto laba iyo toban maalmood kadib.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu dadka kula wadaagay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in caleemo saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka la qaban doono 26-ka bishan.

“Wadatashi Madaxtooyada Galmudug ka dib, Guddiga qabanqaabadu wuxuu go’aansaday in xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne Kuxigeenku ay ka dhacdo Dhuusamarreeb, Khamiis 26-ka Maarso 2020.” Ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada qaarkood, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidamada, Odayaasha Dhaqanka iyo marti sharaf kaloo ballaaran ayaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan xafladaasi.

Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la hadalhayaa in aanay caleemo saarkaasi kaga qaybgeli doonin Magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...