Sunday, April 26, 2026
28.2 C
Mogadishu

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay waddanka Koonfur Afrika

South Afrika (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya, in muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay tuulo ka tirsan waddankaasi.

Muddooyinkaan dambe dhibaatada loo gaysto Soomaalida Koonfur Afrika ayaa yaraaday, balse xalay ayaa lagu soo waramayaa tuulo u dhaw Magaalada Cape town in lagu dilay muwaadinkaan Somaliyed.

Kooxda dilka u gaysatay muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa weerartay isaga oo ku sugan goobtiisa ganacsiga, waxaana halkaasi ay ka gaysteen falka dilka ah iyo dhac hantiyadeed.

Muwaadinka la dilay ayaa dadka Soomaalida ee halkaasi jooga waxa ay ku sheegeen magaciisa Cabdifitaax Cumar Aadan.

Booliska iyo ganacsato Soomaali ah ayaa mar dambe ka soo qaaday goobta dilka uu ka dhacay maydka Marxuumka oo lagu wado in maanta la aaso.

Burcadda Koonfur Afrikaanka ah ee dilalka u gaysta muwaadiniinta Soomaaliyed ayaanan inta badan gacanta lagu soo dhigin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...