Saturday, April 25, 2026
28.3 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Seyga cusub ee Ilhaan Cumar ‘Tim Mynett’ oo la sheegay in uu qaatay Diinta Islaamka

Ilhaan Cumar iyo Seygeeda cusub Tim Mynett

Minnesota (Halqaran.com) – Maalma kahor waxaa dalka Mareykanka ku aqal gashay xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Congress-ka Mareykanka, lagana soo doorta Minnesota.

Ilhan Cumar ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub, Tim Mynett, iyadoo ku qortay: “Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah,”

Afhayeen u hadlay Ilhan Cumar oo lagu magacaabo Jeremy Slevin ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Tim Mynett uu qaatay diinta Islaamka.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in ay isku guursadeen hab waafaqasan diinta Islaamka iyo sharciga, seyga Ilhan na uu qaatay diinta Islaamka”, ayuu yiri Jeremy oo la hadlay BBC-da.

Jeremy ayaa ka gaabsaday in uu BBC-da la wadaago haddii uu jiro magaca uu la baxay seyga cusub ee Ilhan Cumar iyo xilliga uu qaatay diinta Islaamka.

Xiriirka haasaawe ee Ilhan Cumar iyo Mynett ayaa soo shaac baxay sanadkii la soo dhaafay kadib markii xaaska ay wadajoogeen Mynet, oo lagu magacaabo Beth Mynett oo 55 sano jir ah ay dalbatay furriin. Mynet ayaa haatan Ilhan Cumar u qaabilsan dhanka ololaha doorashada.

Xigasho – BBC

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...