Sunday, April 26, 2026
28.2 C
Mogadishu

Madaxweyne Trump oo xaalad deg-deg ah geliyay dalka Mareykanka, kaddib markii uu…

Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah oo ku saabsan ka hortaga caabuqa halista ah ee Coronavirus.

Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu diyaarinayo lacag ka badan $50 bilyan oo doolar oo wax looga qabanayo feyraskan.

Gudaha dalka Mareykanka ayaa la xaqiijiyay in cudurka Coronavirus uu haleelay in kabadan 1,700 oo ruux halka ay u dhinteen 40 ruux.

Dhowr gobol oo ka tirsan Mareykanka ah ayaa goor sii horreesay qaaday tallaabooyin ay kaga hor tagayaan xanuunkan, iyagoo mamnuucay in la iskugu yimaado goobaha dadwaynaha.

Tallaabadan uu qaaday madaxwaynaha Mareykanka ee xaalada degdegga ah ayaa imaaneeyso xilli dhowaanahan lagu eedeeynayay in uu ka gaabiyay wax ka qabashada cudurka saf mareenka ah ee Coronavirus

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sawir la galay masuul reer Barasiil ah Sabtidii hore kaas oo la sheegay in laga helay Feyraska Corona.

Trump ayaa sheegay in uusan isagu isku arkin wax astaamo ah oo la xiriira cudurkan qalqalka geliyay adduunka ee Coronavirus.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...