Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Donald Trump oo xayiraad ku soo rogay duulimaadyadii Yurub ee Mareykanka

Washington (Halqaran.com) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay xayiraad dhanka socdaal ah, oo uu sheegay in lagu soo rogayo dadka dalkiisa uga imaanaya cariga Yurub.

Donald Trump, ayaa tallaabadan ku sheegay mid looga gaashamanayo faafitaanka xanuunka Corona, oo fara kulul ku haya caalamka.

Madaxweynaha oo xalay laga daawanayay shaashadaha caalamka ayaa sheegay in awaamiirtan ay dhaqangeli doonto saqda dhexe ee habeenka Jimcaha.

Waxaa uu ka dhawaajiyay in xayiraaddan ay socon doonto soddonka maalmood ee ina soo aadan, hadafkuna uu yahay in lagu yareeyo baahitaanka Coronavirus.

“Waxaanu joojin doonnaa dhammaan safaradii nooga imaanaayay Wadamada Yurub ee imaanayay dalkan Mareykanka, soddonka maalmood ee soo socda. Xeerarkan cusub waxay dhaqangeli doonaan saqda dhexe ee habeenka Jimcaha. Xadayntan waxaanu uga gol leenahay in aanu ku xalino xaaladaha dhulka ka jira.” Ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka.

Sidoo kale, waxaa uu xayiraddaan ku sheegay inay tahay mid adag, hase ahaatee laga fursan waayay, si loo xakameeyo buu yiri faafitaanka Coronavirus.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Wadamada Yurub ku dhaliilay in ay ku fashilmeen inay qaadaan tallaabooyin looga gaashaman karo caabuqa Corona, si lamid ah buu yiri Mareykanka.

Coronavirus oo markiisii hore uu ka bilowday dalka Shiinaha ayaa iminka si weyn ugu fidaya dalalka horumaray, sida Mareykanka.

Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa xaalad deg deg ah ku soo rogay Gobolka Washington, ka dib markii uu gobolkaasi noqday halka ugu daran ee sida weyn uu u saameeyay Coronavirus.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...