Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

DF Somaliya iyo Midowga Yurub oo kawada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Deyn Cafinta & Amniga

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlay horumarinta Dhaqaalaha, Deyn cafinta sida dib-u-habeynta ciidamadu ay uga qayb qaadatay horimarinta amniga iyo nabad-gelyada iyo xoreynta iyo xasilinta deegaannada argagaxisadu ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha JF Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulanka oo qay ka qayb galeen wasiirrada xukuumadda qaar kamid ah safiirrada midawga Yurub ee Muqdisho ku sugan oo uu hoggaaminayay safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ahaa shirarka joogtada ah ee looga hadlo horumarinta wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...