Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Maxay kawada hadleen madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya ee kulmay? +(SAWIRRO)

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehliyo madaxweyne Ku-xeenka Axmed Cilmi Cismaan, ayaa Talaadadii maanta kulan la qaatay, Safiirka  Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Ambassador Aadan Xassan Aadan iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid Puntland.

Kulanka kadib war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu qeexay, in madaxweyne Deni iyo Ambassador Aadan, ay ka wada hadleen, xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti iyo Sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta arrimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqalaaha.

“Madaxweyne Saciid Deni iyo Ambassador Aadan Xasan Aadan ayaa ka wada hadlay, xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti iyo Sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta arimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqalaaha.” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka.

Safiirka Jabuuti iyo wafdigiisa oo Isniintii maalintii booqday dekedda Cusub ee laga dhisayo deegaanka Garacad, ayaa soo kormeeray sida ay u socoto howsha dhismaha dekedda.

Sidoo kale, kulankaasi waxa goob joog ka ahaa wakiilka Puntland ee Jabuuti Siciid Mahdi iyo Mas’uuliyiin kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...