Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jubbaland oo dalbaday in ciidanka DF Somaliya si shuruud la’aan ah uga baxaan Gedo

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa waxaa uu Dowladda Federaalka ugu yeeray in si sharuud la’aan uga baxdo Gobolka Gedo, kaddibna ay wadahadalo isugu yimaadaan.

Axmed Madoobe ayaa waxaa uu Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay dhibaato ka abuurtay Gobolka Gedo, iyadoo marka koowaad ka jartay diyaaradihii safarka ku taggi jiray, marka labaadna ay ciidan xoogan u daabushay, kuwaa oo dhibaato ka gaystay.

“Gobolka Gedo, Garbahaarey, Baardheere, Doolow, Luuq iyo Buurdhuubo intaas oo diyaaraduhu taggi jireen, hal diyaarad oo tagto ma jirto. Maxaa loo joojiyay? Diyaarad ciidan waddo keliya ayaa taggi kareysa, sababtoo ah danta dowladda kuma jirto.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Wuxuu kaloo hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha, “Maamuladii bay ciidamo u isticmaaleen, oo qaadeen, oo ay xareeyeen. Deegaanadii ugu xorsanaa oo gaarigeyga ku dhex wadaneysay luuq iyo inta u dhaxeyso Beled Xaawo, ciidan bay intey qaadeen oo ay geeyeen, oo isku direen, bay maanta inta ay baxeen bay wixii ciidana Haramcad, Shabeel iyo dhibaato geeyeen. Wax alaala iyo wixii ciidan ay hayeen intey soo qaadeen waxaa la yiri dhulkaasaa xoreynaynaa, yaa laga xoreynayaa? Ma Shabaab baa loo xoreynayaa mise Shabaab baa laga xoreynayaa?”

Tani ayuu sheegay inay dhibaato u horseeday shacabkii deganaa Degmada BeledXaawo, oo boqolaal kun oo dadkii deegaanka ka mid ah lagu khasbay inay guryahooda ka barakacaan, iyadoo lagu jiro xilligii kuleelaha.

“Maanta waxay noqotay halkaas inay maanta gaaraanoo boqolaal kun oo Beled Xaawo deganaa in ay barakacaan, kuleelka aad ogeyd oo bishii March lagu jiro. Maanta qof weliba meesha uu jooggo aanu garanayn. Dhaxalka ay keentay Dowladnimada Somaliya maanta inay meesha joogtaa, oo aynaan garanaynin maanta macno loo sameeyo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland oo maanta ka hadlayay furitaanka Baarlamaanka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyen ku taliyay in Dowladda Federaalka ay ciidanka kala baxdo Gobolka Gedo, miiska wadahadalada ay isugu yimaadaan.

“Arrinta Gobolka Gedo, shuruud la’aan Dowladda Federaalka ha uga baxdo, ciidankeeda haka qaaddo, hana ka naxdo. Miiska wadahadalada aanu isugu nimaano.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn, hadalka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dadka qaarkii uu dareenkoodu taabtay ayaa waxaa la isweydiinaya jawaabta kaga aadan dowladda, inkastoo ay jiraan warar sheegaya inaanay Villa Soomaaliya wax dheg jalaq ah u siin doonin baaqaasi ka soo yeeray Hoggaamiyaha Jubbaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...