Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxii Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa xilli habeen ah ka tagey Magaalada Dhuusamareeb, xilli aanu ka warqabin Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa habeenkii Khamiista soo galeysay ka baxay Magaalada Dhuusamareeb, isagoo adeegsanaya qidad iyo farsamo u gaar ah, mana jirin cid fahamtay ka bixitaankiisii magaalada.
Waxaa jira warar sheegaya in safarkiisa Magaalada Garoowe ay ku wehlinayan Cabdisamad Macalin Maxamuud, Saadaq Sheekh Yuusuf iyo xubno kale oo Saraakiishii Ahlu Sunna ka tirsan.
Waxaa la sheegay in ay qayb qayb magaalada uga baxeen, iyadoo mid kastana la saaray gaari loo ekeysiiyay inuu rakaab siday, ka dibna ay isugu wada taggeen goob ay ku ballameen, deetana ay horey uga sii gudbeen dhinaca Magaalada Gaalkacyo.
Inta aynaan xubnahan siyaabooyinka kala duwan uga bixin Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa jiray ciidan ay iska sii hormariyeen. Ciidanka oo dareys shibil watay ayaa hubka ku qarsaday gaadiidka yar yar ee Probox-ta loo yaqaano, loona soo ekeysiiyay sida inay rakaab wadeen oo kale.
Mid ka mid ah dhallinyarada ku nool magaalada Dhuusamareeb ayaa Halqaran.com u sheegay in gaadiidka marka ay ka baxayan Magaalada Dhuusamareeb, aan baaritaano lagu marsiin kontoroolka magaalada, hase ahaatee ay baaritaan adag wajahaan gaadiidka magaalada soo gelaya.
Sarkaal ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Dhuusamareeb ayaa inoo sheegay in uu Sheekh Maxamed Shaakir ka tagey guri uu ka deganaa xaafadda Dayax ee Magaalada Dhuusamareeb, xilli aanay jirin cid ka war heysay safarkiisa.
“Gurigiisa oo ku yaala xaafadda Dayax ayuu habeen madow ka baxay, cid ka warqabtayna malahan. Baabuurtiisii lagu yaqaanay kuma bixinee, ee baabuurta yar yarka ee la raaco ayuu uga baxay magaalada. Wax lala yaabo ayay noqotay.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.
Nabadoon Maxamed Xaashi Faarax oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa su’aal ka keenay, ujeedada ka dambeysa in xilli habeen ah uu Sheekh Maxamed Shaakir ka baxo Magaalada Dhuusamareeb, isagoo awooday in maalin uu ka safro magaalada.
“Arrinta hadalhaynta keentay waxaa weeye, Sheekh Maxamed Shaakir sababta uu habeen gudcur ah uga baxay magaalada, asaga oo har cad bixi karay, haddii bixitaankiisu ahaa mid la’isku ogyahay?” Ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xaashi oo la hadlay Halqaran.com
Ilo wareedyo ayaa ku waramaya in Madaxweyne Qoorqoor uu ka xumaaday, marna ay layaab gelisay qaabka uu Magaalada Dhuusamareeb uga baxay Madaxii Xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Wararka ayaa intaa ku daraya in midda walaaca gelisay Madaxweyne Qoorqoor ay tahay, isagoo rajeynayay in Sheekh Maxamed Shaakir uu ka qaybgalo caleemo saarkiisa lagu wado in uu ka dhaco Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Qoorqoor oo Axadii la kulmay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka codsaday in uu maamulkiisa la shaqeeyo, Golaha Wasiirada cusubna laga siin doono xubno ku metela.
Sheekh Maxamed Shaakir iyo xubnihii la socdayba waxay ku biirayan Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, oo toddobadkii hore gaaray Magaalada Garoowe.
Si kastaha ha ahaatee, dadka reer Dhuusamareeb ayaa hadalhaya waxa iska bedelay hadalkii maalintii Sabtida ka soo yeeray Madaxdii Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ee la xiriiray in ay ka tanaasuleen siyaasadoodii hoggaaminta ee Galmudug.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






