Boqortooyada Sacuudiga oo Xabsiga dhigay xubno sar-sare oo ka tirsan qoyska Boqortooyada!

Bixid waa Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, Middig waa Maxamed Bin Naayif waa mid ka mid ah 3-da mas’uul ee hadda xabsiga la dhigay / Sawir hore/ Photo Credit: AFP & Getty Images

Riyad (Halqaran.com) – Sida ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaya, in boqortooyada Sacuudiga ay xabsiga dhigtay xubno sar-sare oo ka tirsan qoyska Boqortooyada.

Wararka ayaa sheegaya in ragga xabsiga la dhigay oo ahaa saddex nin oo uu ku jiro nin la dhashay boqor Salmaanka haatan haya talada dalkaas oo lagu magacaabo Axmed Bin Cabdulcasiis.

Labada sarkaal ee kale ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Bin Naayif iyo Amiir Nawaaf Bin Naayif.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in rag wajiyada soo qarsaday kuna labbisan dhar madow ah ay u daateen guryaha ragga la xiray subixii Jimcaha.

Wargeyska ayaa sheegay in xarigga raggan uu salka ku hayo in looga shakiyay in ay maleegayaan qorshayaal afgambi ah oo ka dhan ah maamulka Bin Salmaan.

Axmed Bin Cabdulcasiis iyo Maxamed Bin Naayif ayaa la sheegay in boqortooyadu u aragto laba shakhsi oo qaran dumis ah taas oo ay ku muteysan karaan dil toogasho amaba xabsi daa’in.

Dadka falanqeeya siyaasadda Sucuudiga ayaa sheegaya in xarigga saddexda nin ay ka dambeysay kaddib markii ay maamulka Sucuudiga kala hadleen sii deynta xubno ka tirsan qoyska oo xabsi guri ku jira labadii sano ee la soo dhaafay iyaga oo si kulul uga hadlay qaddiyaddaas.

Sidoo kale saraakiishan ayaa la sheegay in ay boqortooyada ku canaanteen joojinta cimrada iyaga oo ku marmarsiyoonaya feyraska Korona taa badalkeedana ay si caadi ah u socdaan xafladaha iyo bixinta fiisayaasha tamashlaha arrintaa oo la sheegay in Bin Salmaan uu aad uga xanaaqay kuna abuurtay baqdin ah afgambi ka dhan ah xukunkiisa.

Bin Salmaan ayaa lagu eedeeyaa in uu yahay nin aad u adag oo talo diid ah sidoo kalena wax walba raba in uu xabsi iyo muquunin xal uga dhigo waxaana xusid mudan in hal door fara badan oo Sucuudiyaan oo isugu jira culamaa’uddiin, aqoonyahanno u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada ay xabsiyada dhex kambaruuraan.

Dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayay dunidu ku ammaantay tallaabooyin waaweyn oo u qaaday hagaajinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada Sucuudiga walow kolkii dambe uu waji gabax kala kulmay dilkii wariye Jamaal Khaashuqji Oktoobar 2018-kii.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com